top of page

About us

_________

Horumar iyo Midnimo Qaran NPU waa urur ku dhisan rajo cusub, wadajir bulsho, iyo himilo lagu doonayo in laga dhiso mustaqbal

wanaagsan oo ay ku mideysan yihiin shacabka Soomaaliyeed. Waxaa aasaaska u ah in la abuuro jawi lagu kobciyo

fursadaha bulshada, lagu dhiirrigeliyo iskaashi iyo is-ixtiraam, isla markaana lagu xoojiyo qiyamka dhisaya kalsooni iyo

horumar waara.

Ururku wuxuu ka dhashay fikrad mideysa dad leh aragti cad, aqoon, iyo damiir u heelan in ay bulshada u abuuraan xalka

ay mudan tahay. Waxaan ku shaqeynaa mabda’a sheegaya in horumarku uusan ahayn kaliya yool la gaaro, balse uu yahay

safar ay wada socdaan bulshada oo dhan iyadoo qof kastaa uu leeyahay door uu ka ciyaaro.

Horumar iyo Midnimo wuxuu rumeysan yahay in hoggaan wanaagsan uu ku bilaabmo daacadnimo, hufnaan, iyo in la dhegeysto bulshada lagu matalayo. Waxaan taageernaa in aragti kasta oo wanaagsan la dhiirrigeliyo, lana hubiyo in go’aamada ururku ay ku dhisnaadaan danta guud, wada-tashi, iyo isu tanaasul.

Vission

In soomaaliya ay noqoto dal mideysan, horumar ku socda, leh dowlad caddaalad ah iyo bulsho ku nool nabad, wadajir iyo barwaaqo.

Aragtideennu waa in la dhiso mustaqbal ay soo ifbaxdo barwaaqo, koboc dhaqaale, iyo jiilal ku hogaamaya waddaniyad, isku duubni iyo rajo ay wadaagaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Mission

Horumarinta Dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka dhallinyarada.

                    ilaalinta Midnimada,Wadajirka iyo qaranimada soomaaliya.                      Dhisidda Dowlad Ku dhisan Caddaalad,hufnaan iyo kalsooni.

                           Kor uqaadista Waxbarashada,caafimaadka iyo adeegyada bulshada.                              Xoojinta doorka haweenka iyo dhalinyarada ee hoggaaminta qaranka.

Codkaaga & taagyeeradaadu waa awoodda isbadalka.        

Core Values

1

Hufnaan iyo isla xisaabtan

Ururka wuxuu mudnaanta siiyaa hufnaan iyo isla-xisaabtan, isaga oo ku adkaysanaya in hawlaha iyo go’aamada si cad loo maamulo, laguna saleeyo xog furan oo bulshada la wadaago. Mabda’ani wuxuu dhiirrigeliyaa mas’uuliyad, sharci ku dhaqmid iyo hab maamul lagu qiimeeyo daacadnimo, si loo helo jawi lagu kalsoonaan karo oo hagaya howsha guud.

2

Nabadda iyo Caddalaadda

Ururka wuxuu aaminsan yahay in nabad waarta iyo caddaalad dhab ah ay yihiin saldhigga bulshada horumarta. Nabadda waxay abuurtay jawi ay dadka ku wada noolaadaan isku kalsoonaan iyo wadajir, halka caddaaladdu ay hubiso in muwaadin kasta loo muujiyo xaq, sinnaan iyo ilaalin sharci.

3

Midnimo iyo wadajir

Ururka wuxuu ku adkeysanayaa muhiimadda midnimada iyo wadajirka, kuwaas oo bulshada u suura geliya inay ka gudubto caqabadaha oo ay si wadajir ah u gaarto horumar. Midnimadu waxay xoojisaa isku duubnaanta shacabka, halka wadajirku uu kobciyo awoodda bulshada ee go’aan wadaagga iyo iskaashiga, si loo dhiso mustaqbal ay dhammaan muwaadiniintu ku wada faraxsanyihiin.

4

Horumar iyo barwaaqo

Ururka wuxuu u taagan yahay dhiirrigelinta horumar waara iyo barwaaqo guud oo gaarta bulshada oo dhan. Horumarku wuxuu ka dhigan yahay koboc dhaqaale, adeegyo bulsho oo tayo leh iyo fursado siman, halka barwaaqadu ay muujinayso nolol degan oo ay ku lammaan tahay badhaadhe iyo rajo mustaqbal oo ifaysa.

5

Nabadda iyo Caddalaadda

Ururka wuxuu aaminsan yahay in nabad waarta iyo caddaalad dhab ah ay yihiin saldhigga bulshada horumarta. Nabadda waxay abuurtay jawi ay dadka ku wada noolaadaan isku kalsoonaan iyo wadajir, halka caddaaladdu ay hubiso in muwaadin kasta loo muujiyo xaq, sinnaan iyo ilaalin sharci.

6

Midnimo iyo wadajir

Xisbigu wuxuu ku adkeysanayaa muhiimadda midnimada iyo wadajirka, kuwaas oo bulshada u suura geliya inay ka gudubto caqabadaha oo ay si wadajir ah u gaarto horumar. Midnimadu waxay xoojisaa isku duubnaanta shacabka, halka wadajirku uu kobciyo awoodda bulshada ee go’aan wadaagga iyo iskaashiga, si loo dhiso mustaqbal ay dhammaan muwaadiniintu ku wada faraxsanyihiin.

©Eng Mohamed Ali

bottom of page