Chairman
_________
Shariif Xasan Sheekh Aadan waa siyaasi Soomaaliyeed oo muddo dheer kaalin muuqata ku lahaa dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya. Wuxuu ku dhashay deegaanka Bardaale ee gobolka Baay, wuxuuna kasoo jeedaa bulshada Digil iyo Mirifle. Shariif Xasan ayaa noqday mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan dalka, isagoo kasoo muuqday marxalado kala duwan oo siyaasadeed oo ay Soomaaliya soo martay tan iyo burburkii kadib.
Waxa uu markii ugu horreysay caan noqday markii loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka sannadkii 2004, xilkaas oo uu ka waday dadaallo lagu dhisayo hay’adaha dowladda, laguna mideynayo kooxihii siyaasadeed ee waqtigaas jiray. Khibraddiisa siyaasadeed iyo awooddiisa xal uhelidda khilaafaadka ayaa ka dhigtay qof ay beesha caalamku si weyn ula shaqeyso.
​hariif Xasan ayaa sidoo kale door weyn ku yeeshay siyaasadda gudaha Koonfur Galbeed, isagoo 2014 loo doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Intii uu xilka hayay wuxuu ka shaqeeyay dhismaha hay’adaha maamulka, xoojinta amniga, dib u heshiisiinta bulshada iyo horumarinta adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha. Wuxuu kaloo ku guuleystay inuu kobciyo xiriirka maamulka Koonfur Galbeed la yeesho dowladda federaalka iyo beesha caalamka.
​​

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka NPU
Sharif Hassan Sheikh Aden




Sharif Hassan Sheikh Aden
Gudoomiye Ku xigeenka
Mohamed Nuurani Bakar
Xoghaye Guud
HORUMAR IYO MIDNIMO QARAN NPU
Waa Urur siyaasadeed ujeedkiisu yahay ka shaqeynta dhismaha bulsho mideysan,
horumarsan,iyo dowlad ku dhisan hufnaan iyo cadaalad. NPU waxa uu xooga saaraa sidii loo abuuri lahaa fursado siman oo dhan kasta ah, loona xoojin lahaa wadajirka
bulshada si loo gaaro mustaqbal xasiloon oo koboc dhaqaale leh.
Sidoo kale, waxaan muhiim u aragnaa in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya bulshada iyo maamulka, si shacabka loo siiyo Fursad muuqata oo saamayn leh.Waxaan dhiiragelineynaa ka qaybgalka bulshada ee Dowlad dhiska gaar ahaan dhallinyarada Rag iyo Dumarba, kuwaas oo door muhiim ah ku leh dib u dhiska dalka.
​​

Luul Isack Adan Halgan
Hussein Ali Moalim
