




Waa Urur siyaasadeed ujeedkiisu yahay ka shaqeynta dhismaha bulsho mideysan,
horumarsan,iyo dowlad ku dhisan hufnaan iyo cadaalad. NPU waxa uu xooga saaraa sidii loo abuuri lahaa fursado siman oo dhan kasta ah, loona xoojin lahaa wadajirka
bulshada si loo gaaro mustaqbal xasiloon oo koboc dhaqaale leh.
Sidoo kale, waxaan muhiim u aragnaa in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya bulshada iyo maamulka, si shacabka loo siiyo Fursad muuqata oo saamayn leh.Waxaan dhiiragelineynaa ka qaybgalka bulshada ee Dowlad dhiska gaar ahaan dhallinyarada Rag iyo Dumarba, kuwaas oo door muhiim ah ku leh dib u dhiska dalka.
​​
HORUMAR IYO MIDNIMO QARAN NPU
Daahfurnaan iyo Isla xisaabtan
Ururka wuxuu ku shaqeeyaa hufnaan buuxda, isagoo bulshada si joogto ah uga warbixiya go’aamada iyo howlaha uu qabanayo.
Caddaalad iyo
Sinnaan
Ururka wuxuu u istaagayaa ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, sinnaanta jinsiyadeed, diimeed, iyo deegaan, isagoo dhammaan bulshada u xaqiijinaya fursado siman, cadaalad ku dhisan sharci.
mabaadi’da guud
_________
Midnimo iyo Wadajir Bulsho
Ururka wuxuu aaminsan yahay in horumarka lagu gaari karo wada-shaqeyn, isku duubni iyo ilaalinta danaha guud ee dalka.
Maamul Wanaag iyo Hoggaan Mas’uul ah
Ururka wuxuu ku dhaqmaa mabaadi’da maamulka wanaagsan, isagoo diiradda saaraya adeeg hufan iyo go’aan qaadasho mas’uuliyad leh.
Horumar Joogto ah
Ururka wuxuu mudnaanta siiyaa kobcinta dhaqaalaha, tayeynta adeegyada bulshada, iyo abuurnida fursado shaqo oo waara.
Nabadgelyo iyo
Xasillooni
Ururka wuxuu mudnaanta siinayaa ilaalinta amniga shacabka, xoojinta hay’adaha amniga, iyo dhisidda jawi nabdoon oo bulshada u sahlaya inay ku noolaato, ku shaqeyso, kuna horumariso dalka.
The Party's Candidate
waxaan aaminsanahay in siyaasadda dhabta ah ay tahay mid ku dhisan daacadnimo, midnimo iyo adeeg bulsho. Dal ma horumaro haddii aan wada qaadan masuuliyadda mustaqbalkiisa. Xisbiyadu waa aalad lagu mideeyo fikirka shacabka, laguna gaaro isbeddel waara balse guushu waxay ku timaaddaa marka dan guud laga hormariyo dano gaar ah.
Waxaan ku boorinayaa muwaadin kasta in uu ka qeyb qaato geedi socodka siyaasadeed si wacyi leh, una istaago cadaalad, nabad iyo horumar. Aan noqono jiil dhisa, ee aan noqon jiil burburiya.
Mustaqbalka carruurteenna wuxuu ku jiraa go’aannada aan maanta qaadanno.
Aan mideysnaano. Aan ka shaqeyno dowladnimo dhab ah. Aan wada dhisno Soomaaliya ka xoog badan tii shalay.

Hogaanka Sare Urur Siyaasadeedka

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka NPU
Sharif Hassan Sheikh Aden




Ahmed Mohamed Busuri
Gudoomiye Ku xigeen
Mohamed Nuurani Bakar
Xoghayaha Guud
Husein Ali Moalim
Xoghaye Ku xigeen
Luul Isack aden halgan












